BARACK OBAMA: -“Waxaa naga dhintay WADDANI,” Muxuu Obama ka yiri geerida Bush?

0

(Washington) 01 Dis 2018 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa si dareen leh uga hadlay geerida George Herbert Walker Bush oo mar dallkaasi ka soo noqday hoggaamiye. Obama ayaa ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiyiinta iyadoona hoggaamiyaha geeriyooday uu ka mid ahaa Xisbiga Jamhuurriga, waxaana labada xisbi ka dhaxeeya xifaaltan xooggan oo dhanka siyaasadda ah. Yeelkeede waxay ka mideysan yihiin u adeegista kaliya danaha dalkooda iyo dadkooda, kumana kala qaybsamaan inta badan Masiirka dhabta ah ee ummadooda.

Obama ayaa yiri sidaan:- “Ameerika waxaa ka baxay waddani iyo adeege dabacsan, waana George Herbert Walker Bush…..Iyadoo qalbiyaddeenu maanta aad culeys u dareemayaan, ayaa haddana waxaa ka buuxa abaal…. Ma uusan ahayn kaliya Madaxwayne Soo maray dalkeena, hase ahaatee waxaa uu cimrigiisa in ka badan 70 sanno ku bixiyay u adeegista dalkiisa uu jeclaa, isagoona soo noqday taliyihii ugu sarreeyay ciidamada qalabka sida”. Waxaa uu soo noqday wakiilkii Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka dalkeena, Ergaygii noo joogay Shiinaha, iyo mar uu soo noqday Madaxwayne kuxigeen”.

“George H.W. Bush, noloshiisa oo dhan waxay hormuud iyo tijaabo u ahayd u adeegista danta guud, waxa uuna billad sharaf iyo farxad ku qaatay waqtigiisii”.  Waxaa uu kaalin lama illaawaan ah ka ciyaaray in Maraykanku noqdo meel u furan dadka Muhaajiriinta ah iyo kuwa baahiya gaarka ah qaba”.

“Waxaa uu ka qayb qaatay dadaaladii lagu dhimayay hubka wax gumaada ee Nukleyrka, isagoona qayb lixaad leh ka qaatay tala ka tuuristii kaligi talihii dalka Kuwait… Sidoo kalena waxaa uu ka qaybgalay kacdoonadii dimuquraadiyadda ee barriga Yurub”. Waxaa sidoo kale uu ka qaybgalay dadaaladii lagu dhameeyay dagaalkii qaboobaa iyadoo hal Baalooto oo xabad ah aysan dhicin”.

“Waa Halyeynimo iyo wax aysan jirin wax kale oo lala meel dhigo, inkastoo uu dhamaanteenba naga doonayay inaan isku dayno”.

“Kadib 73 sanno oo ay lamaane ahaayeen George iyo Barbara Bush oo xaaskiisa ahayd ayaa mar kale hadda ku midoobaya geeridda..Waxay ahaayeen labo iftiin…..Naf Hurnimo waa waxa dalkeena ka dhigay inuu ka dhabeeyo Tusaalihii loo Unkay…… Waxaan murugada iyo tacsida la wadaagaynaa dhamaan qoyska Bush Caawa, iyo dhamaan sidoo kale dadkii ay tusaalaha u ahaayeen George iyo Barbara,”

Hadalsame Media