Wararkii ugu dambeeyay ee Magaaladda Baydhabo iyo doorashada Koofur Galbeed

0
(Baydhabo) 01 Dis 2018 – Qaban-qaabo ku aadan doorashada Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,iyadoo dowladda Soomaaliya shalay halakasi u dirtay ciidamo boolis ah oo amniga qayb ka qaata.

Wararka ayaa sheegaya in ammaanka Magaaladad Baydhabo si weyn loo adkeeyay.

Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ciidamada shalay gaaray Baydhabo ay qayb muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta amniga iyo ka hortaga in kooxda Alshabaab ay weerar ka geystaan Magaalada inta lagu guda doorashada.

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo Federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalku oo isgarabsanaya waxbadan ka tarayaan sugidda amniga magaalada Baydhabo halkaasi oo shanta bishaan ay dhacayso doorashada hoggaamiyaha Maamulkaasi.

Hadalsame Media