Aayihii Soomaaliya ma waxaa lagu dubaa hilib-digaagga Britain?

0

(London) 30 Nof 2018 – Dalka UK waxaa sanadkii soo gasha 115,000 tan oo ah dhuxusha dhirta caadiga ah laga shido.

Dhuxushaan ayaa 90% waxa ay ka timaadaa Afrika iyo Koonfurta Ameerika.

Dhuxusha UK soo gaarta waxa ay soo martaa wadamada Khaliijka iyo Giriigga.

Hadaba ma laga yaabaa in Soomaaliya ay qayb ka tahay wadamada dhuxushooda lagu dubo hilibka maqaayadaha Turkida ee UK? Ama haddii sida kale loo yiraahdoo aayihii Somalia waxaa lagu dubaa hilib-digaagga Britain.

Waxaa Diyaariyay: Mohamed Dhoore

Hadalsame Media