DAAWO: Gabar ”Soomaali” ah oo ay gabar kale dhac u gaysatey!! + Sawirro (Dadkii oo ku daawaday)

0

(London) 30 Nof 2018 – Gabar loo badinayo inay Soomaali tahay oo lacag kala baxaysay Kaasha Mashiin ku yaala Leytonstone, ee bariga London ayaa waxaa weerartay gabar loo malaynayo in ay da’deedu ka hooseeyso 20 jir oo iyaduna Madoow ah.

Kaamirada amaanka oo ku rakibnayd goobta ay lacagta kala baxaysay ayaa duubtay dagaalkii labadooda dhexmaray.

Inkasta oo ay gabadha Soomaaliyeed dadaashay haddana kuma aanay gulaysanin in ay lacagta ka badbaadsato, waayo tinta gabadha burcadda oo ahayd aartifishal ama macmal ayaa u soo go’day gabadha Soomaaliyeed, taasi oo u sahashay in ay lacagta labaxsato.
Booliiska London ayaa ugaarsanaya gabadha burcadda ah.

Gabadha ayaa geesinnimo muujisay balse dadkii goobta joogey oo ay ku jiraan kuwo ka arkayay xafiis boosto oo meesha ku yaalla iyo kuwii jidka marayay ayaan wax gurmad ah u samaynin gabadha.

Hadalsame Media