Juventus & Man City oo wada eeganaya adeegga Isco

0

(Madrid) 29 Nof 2018 – Juventus iyo Manchester City ayaa la sheegay inay wada xiisaynayaan Isco oo u safta Real Madrid, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Laacibkan khadka dhexe ayaa dheeley 78 daqiiqo oo qura, tan iyo markii la magacaabay Santiago Solari oo 5 kulan kooxda hayey, waxaana gebi ahaanba laga tegey guushii Roma ee Talaadadii.

Sida uu dhigayo AS, Juventus ayaa xiisaynaysa inay 26-jirkan la mideeyso saaxiibkii Cristiano Ronaldo, iyadoo uu Tuttosport qorayo in Isco uusan diidanayn inuu ku biiro Bianconeri, kaddib ma Solari.

Juve ayaa waxay hardan culus kala kulmaysaa Manchester City, AS ayaana intaa raaciyay inay laacibkan u arkaan xubin muhim ah oo gacan ka gaysan kara guul ay ka gaaraan Champions League.

Hadalsame Media