”Waxay ahayd khalad wayn in Bonucci Milan kabtan looga dhigo!” – Mirabelli

0

(Calabria) 29 Nof 2018 – Leonardo Bonucci ayaa xagaagii dhowaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Juve, balse taasi waxay timi kaddib sanad khalad miiran ahaa oo uu ku qaatay kooxda Milan, inuu kabtannimada hantiyo ayaana ahaa waxyaabaha ay aadka uga doodeen taageerayaasha Milan.

Waraysi uu siiyay Sportitalia, agaasihii hore ee isboortiga AC Milan, Massimiliano Mirabelli, oo sidoo kale ka mid ahaa maamulkii ay Milan u magacaabeen Shiinayskii iminka la bedeley ayaa ka hadlay waxa keenay in ay kabtan ka dhigaan Leonardo Bonucci:

“Inaan marada kabtanka u xirno Leo waxay ahayd khalad wayn, waayo waxaa jirey laacibiin kale oo kaga taariikh fogaa kooxda AC Milan“. ayuu yiri.

Hadalsame Media