DAAWO: Inter oo xaflad ay qabsanaysay ka shiddey heesta Milan (Dhacdo qosol badan)

0

(Nianjing) 29 Nof 2018 – Xaflad ay Shiinaha ugu qabteen sponsors-ka jaalka la ah kooxda Inter ayaan sidii loo qorsheeyay u dhicin, kaddib markii xafladda khalad looga sii daayay astaanta kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan.


Kooxda Nerazzurri oo ay leedahay Suning Group, oo ah sharikad Chinese ah ayaa munaasabaddan ku doonaysay inay sare u qaaddo fursadaha ay kusoo jiidan karto shirkado cusub oo ay la gasho heshiisyo iidheh ah si ay u kobciso dakhligeeda Bariga Fogan.

Waxaana xafladdan shalay oo uu halku dheggeedu ahaa “Inter baa halkan joogtaa” mar qura laga maqlay heesta Milan ee “Solo Con Te” halkii la daari lahaa ‘Amala!”.

Hadalsame Media