Qofku diin maaha, diintuna qof maaha, waayo qofku dan buu yeelan karaa!

0

(Hadalsame) 28 Nof 2018 – Daariq Ramadaan kolley badankiinnu waad taqaannaan ama maqasheen. Wax uu u dhashay dalka Iswisirlaand asal ahaan se waa reer Masar. Waa aqoonyahan, mufakir iyo wadaad karti badan. Waa barafasoor culuunta Islaamka ka dhiga jaamacadaha.

Muddo dheer wax uu ahaa codka muslinka Yurub iyo dhufays adag oo weerarku ku burburo. Dhanka kalena wax uu ka soo jeedaa qoys la weyneeyo oo awowgii waa Sheekh Xasan al-Banaa, asaasihii fikirka iyo ururka Ikhwaan al-Muslimiin. Waxaa loo wada arki jiray hormuudka faafinta iyo difaacidda qiyamka Islaamka ee gaar ahaan Dunida Galbeedka. Sidaa darteed muslinka wax uu ku yeeshay magac iyo maamuus weyn.

Haddaba waa tii kalhore loo qabtay eed ah in uu dhawr dumar ah kufsi ku la kacay. Eedahaa weli la gu ma xukumin oo dammaanad buu debedda ku joogaa, waxaa se intii dacwaddani socotay soo baxay qofnimo aan la aqoon oo u qarsoonayd Daariq Ramadaan.

Ma ahayn wadaad akhlaaq suubban oo qiyamka Islaamka ee uu goor walba ka hadlo ku dhaqma, sidii uu u ekaa, wax uu se ahaa nin is ka tunta oo hawo adduun wadato oo dumarka mid walba barta uu ka helo ku legda. Waa ay tiro beeleen dumarka uu la yeeshay saaxiibnimo galmo oo aan guur ahayn.

Taasi innaga ina ma khusayso ee isaga oo qudha ayay u taallaa, ha ahaatee midhku kaa ma aha ee waa mid kale.

Maqaalkan dheer ee uu shalay qoray Maxamed Mukhtaar oo ah macallin jaamacadeed kana mid ah dadka aadka loo dhagaysto, ayaa qaddiyaddaa si dheer u ga hadlaya. Maqaalka iyo qisada Daariq Ramadaan labaduba wax ay innagu baraarujinayaan in aynnu ka digtoonaanno diinaynta qofka.

Sheekh wal oo inna la weyn waxaa ka sii weyn waxa ka suurooba, oo ah waxa qof wal oo kaleba ka suurooba, gaar ahaan amuuraha qariisadda la xidhiidha, sida xoolo jacaylka, awood jacaylka, ka adkaysi la’aanta haweenka, danaysiga xun iyo labawajiileynta.

Sheeko faneed soomaaliyeed oo aan weli la daabicin oo aan beri dhexdeer ah wax idiinka sheegay buu ciwaankeedu ahaa “Tukasho iyo tumasho”, dad badan baana yidhi wadaaddada in la maago ayaa loo dan lee yahay. Sidaa ma aha ee waxaa loo dan lee yahay in maskaxda iyo wacyiga dadka la gu toosiyo in aan dadka la diineyn, la qaddaasadayn, ee loo arko in qofka iyo diintu laba ka la yihiin.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media