Haddii uu John F Kennedy sigaar dartii sidan u yeelay, maxay madaxdeenna qayishaa QAAD dartii u samayn karaan?

0
President John Kennedy arrives in Hyannis Port, Mass., puffing on a cigar May 11, 1963. The American Presidency, an exhibit of candid photos of U.S. presidents rarely seen starts Tuesday, Dec. 7, 2004, at the National Archives in Washington. The exhibit inaugurates the Archives' Lawrence F. O'Brien Gallery, named for the postmaster general under President Johnson. (AP Photo/Cecil Stoughton, National Archives, John F. Kennedy Library)

(Washington, DC) 28 Nof 2018 – Madaxdu marka ay colaadinayaan dowlad deris la ah dalka ay madaxda ka yihiin ama dal kastoo kale, marnaba ma eegaan danta guud ee shacabka ee tooda ayaa uga muhiimsan, balse markii uu heshiis dhoco waxaa danta ugu wayn qabaa waa shucuubta.

Madaxweynihi horo ee mareykanka John f Kennedy ayaa cunaqabteyn saaray wadanka deriska la ah dalkiisa ee Cuba, arrinka xiisaha leh ayaa ahaa in uu aad u cabbi jiray sigaarka Cuban-ka, haddaba maadaama uu mamnuucay inaan badeecadooda dalkiisa la keeni karin wuxuu bilowgiiba qol ayuu Ku cabeystay sigaar dhowr sano ku filan isaga, kahor inta aanu soo saarin sharciga lagu cunaqabateynaayey Cuba.

Madaxwayne John F. Kennedy ayaa la sheegay inuu meel dhigtay 1,200 oo ah sigaarka Cuban-ka, saacado uun kahor intaanu soo rogin cunaqabatayntii 1962-kii.

Hadddaba, makula tahay in xildhibaannada, wasiirrada iyo howlwadeennada muqayiliinta ah ee Soomaalidu ay abid go’aan micne leh kasoo saari karaan arrin ku lid ah Kenya iyo Itoobiya? Weliba maanka ku hay in JAADKU uusan ka mid ahayn badeecooyinka kaydsami kara.

Waxaa Diyaariyay: Axmed Cali (Siyaasi)

Hadalsame Media