TIRAKOOB: Waa tee kooxda looga jecel yahay iyo midda loogu NECEB yahay Talyaaniga?

0

(Roma) 27 Nof 2018 – Dadka Talyaanigu kala bar ka badan oo ah 34 milyan ayaa taageera ciyaaraha dalkaasi ee kubadda cagta gaar ahaan Serie A, kuwaasoo u kala baxa 33 milyan oo taageerayaal rigliya ah iyo 1 milyan oo iska jecel, kooxda Juventus ayaana dabcan kaalinta 1-aad ku jirta iyadoo ay taageeraan 39%, waxaana ku xigta Inter iyo AC Milan oo min 19% helay.

Qiimayntan ayaa waxaa sameeyay Statista oo waydiiyay ilaa 15,000 oo taageere ayaa sidoo kale daawatada hor dhigay su’aal ku saabsan kooxda ay ugu neceb yihiin.

Kooxda Nerazzurri ayaana kaalinta 1-aad gashay oo noqotay kooxda Talyaaniga loogu neceb yahay, iyadoo heshay (40%) waxaa ku xiga Juventus (38%), Milan (32%) iyo Napoli (30%).

Hadalsame Media