SAWIRRO: Barcelona oo ku dhaqaaqday arrin aysan ku dhicin koox ciyaar dheesha (Eg 10-ka sare)

0

(Barcelona) 26 Nof 2018 – Camaaliqada reer Spanish ee Barcelona ayaa noqotay naadigii ugu horreeyay taariikhda ee cecelis ahaan ciyaartooydeeda sanadkii siisa mushahar ka badan £10 milyan oo gini ($13.76 milyan oo euro), sida ku cad warbixin cusub.

Kooxda gobolka Catalonia oo uu hoggaamiyo Lionel Messi ayaa sidoo kale dhowaan ku dhawaaqday inay noqotay naadigii ugu horreeyay dhamaanba kooxaha ku lugta leh ciyaaraha ee uu dakhli sanadeedkeedu dhaafo $1 bilyan oo euro – waxayna u egtahay inay lacagtaa badan ku hurgufto laacibiinta u safta.

Sida ku qoran Global Sports Salaries Survey oo maanta oo Isniin ah la daabacay, Barca waxay 23-laacib oo u dheela celcelis ahaan midkiiba siisaa £10.45 milyan ($13.76), taasoo ay xitaa sii dheer yihiin bareemiyooyinka laaciibiintu. Barca ayaa todobaadkii celcelis ahaan laacibkiiba siisa £201,000 ($265,000) – taasoo ah koror dhan 33% marka loo eego xilligii ay 4-aad kaga jirtey liiskan.

Juventus, oo xagaagii soo iibsatey jookar Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa 9-aad ku jirta, iyadoo sanadkii tegey ku jirtey kaalinta 32-aad, halka Manchester United oo ah kooxda qura ee Ingiriis ah oo 10-ka sare soo gashay ay 10-ka laftiisa ku jirto.

Guud ahaan 10-ka sare 4 kooxood ayaa kubadda ciyaara waana Barca, Real, Juve iyo Man Utd, halka 6-da kale ay ka dheelaan horyaalka kubadda kolayga Maraykanka ee NBA.

Hadalsame Media