Itoobiya oo Dayax-gacmeed dirsanaysa (Xilliga la ganayo & lacagta ku baxaysa)

0

(Addis Abeba) 26 Nof 2018 – Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay sanadka soo aaddan ee 2019 hawada u dirayso dayax-gacmeedkii ugu horreeyay sida kasoo baxday mac’hadka Itoobiya ugu qaybsan Culuunta Hawada Sare iyo Farsamada ee Ethiopian Space Science and Technology Institute (ESSTI) oo arrintaa ka sheeegay Addis Ababa University.

Dayac-gacmeedkan ayaa lagu wadaa in laga gano dalka Shiinaha bisha Sebtembar 2019, sida uu sheegay Dr Solomon Belay Tessema, Agaasimaha Guud ee ESSTI, iyadoo qorshahan markii hore lagu dhawaaqay sanadkii 2016-kii.

Satalaytkan oo Itoobiya ka caawin doona dhanka cimilada iyo saadaasha hawada ayay ku baxaysaa lacag dhan qiyaastii $8 milyan oo doollar, taasoo ay weliba $6 milyan oo ka tirsan bixinayso dowladda Shiinuhu, sida lagu qoray iAfrikan.

Hadalsame Media