Wax ka ogow socdaalka Muuse Biixi ee gobolka Sool

0
(Laascaanood) 25 Nof 2018 – Madaxwaynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay ku hoyday Magaaladda Laascanood ee xarunta gobolka Sool halkaasi oo la sheegay inuu kulamo kulla qaatay Bulshada Magaaladaasi.
Mr. Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan weerar ku aheyn deriskeeda Maamulka Puntland balse taas badalkeeda ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar waliba oo dhanka Puntland kaga yimaado sida uu yiri.
Safarka Madaxwaynaha Soomaliland ee gobolka Sool ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xal laga dhex raadinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumay oo hoostagta Laascaanood.
Maamullada Puntland iyo Soomaliland ayaa ku muransan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn waxaana dhowr jeer oo hore soo laab laabtay isku dhaco dhiig badan ku daatay oo dhinacyadan u dhaxeeyay.
Hadalsame Media