Inta badan xubnaha guddiga Maaliyadda oo ka soo horjeestay warbixin dhawaan Baarlamaanka loo gudbiyay (Akhriso)

0

(Muqdisho) 24 Nof 2018 – 10 xubnood oo ka tiran guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa ka soo horjeestay islamarkaana sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii dhawaan ay shaaciyeen xubnaha guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada u qaabilsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guud ahaan xubnaha guddiga Maaliyadda Baarlamaanka waxay ka kooban yihiin 18 xubnood.

Xubnahaan ayaa maanta soo saaray qoraal ay ku saxiixan yihiin waxayna la wadaageen guddoonka Golaha Shacabka iyagoona ku sheegay in ay cabasho ka yihiin warbixintii dhawaan la baahiyay ee guddiga Maaliyaddu ku eedeeyay hay’addaha dowladda gaar ahaan Wasaarrada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir wax is daba-marin maaliyadeed.

Warbixinta guddiga maaliyadda oo aheyd mid xasaasi ah ayaa ku eedeysay Wasaarrada Maaliyada iyo maamulka Gobolka Banaadir musuq maasuq, hase ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi uu ku yeeshay Magaaladda Muqdisho sheegay in warbixintaasi aysan soo marin habkii sharciga ahaa ee loo baahnaa islamarkaana Baarlamaanka Soomaaliya raagalin siinayo xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Akhriso Qoraalka ay soo saareen 10 xildhibaan ee ka soo horjeestay warbixinta Guddiga Maaliyadda

Hadalsame Media