”Inta aynaan dowladda la xisaabtamin waa inaan annagu is xisaabinnaa!” – Cawad oo ”raalli gelin” bixiyay + Sawirro

0

(Muqdisho) 24 Nof 2018 – Guddoomiye Cawad ayaa sheegay in Galaha uu la xisaabtamo Hay’adaha Dowladda, “waana in uu isla xisaabtamaa dhexdiisa” ayuu yiri.

“Waxaan raali-galin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay.

Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka” ayuu yiri Cawad.

“Baarlamaanku masheegin in la lunsaday $40 milyan. Waxaan ka siinaynaa raali-galin shacabka iyo Wasaaradda Maaliyada, war-bixintaanna hab-raac sax ah lama soo marsiin. Xeerkaan halkaas ayaa looga gudbayaa, dib dambana looma keeni karo Golaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad, oo sidoo kale sheegay inuu Kulanka Golaha Shacabku xiran yahay.

Hadalsame Media