”Annagu dal ayaan xiriir la leennahay ee qoomiyad lama lihin” – Yuusuf Garaad oo talo ka dhiibtey sida loo wajahayo doodaha Itoobiya

0

(Hadalsame) 22 Nof 2018 – Waxaan dhegeystay Dood Wasiir iyo laba Xildhibaan ay ka yeesheen dhaqdhaqaaqa cusub ee ka socda geeska Afrika, gaar ahaan kulamada aan iyaga oo kale hore loo arag ee dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea. Weriye Xasan – Cadde oo ka tirsan Somali Cable ayaa hagayay doodda.

Waxaan ifinayaa in qaabka ka qeybgalayaasha doodda qaarkood ay uga hadleen qowmiyadaha Ethiopia aanay ahayn mid munaasab u ah in mas’uuliyiinta dalkeennu ay uga hadlaan arrimaha gudaha ee dal nala jaar ah ayaga oo fadhiya warbaahin.

Hoggaamiyayaasha dalalka nala deriska ah waxaan ku qiimeyn karnaa oo keliya siyaasadaha ay nagula dhaqmayaan ha ahaadeen mid jooga ama mid tegey, hase yeeshee qowmiyadda uu yahay ama waxa kala dhexeeya qowmiyadaha kale ee dalkiisu ma ahan mid ay Madaxdeenna uga furan tahay dood idaacadaha lala soo istaago.

Dal dhan oo Madaxdiisa iyo shacabkiisa leh ayaan xulufo la nahay ama aan la ahaan karnaa ee qowmiyad lama ihin xulufo.

Suxufiyiinta, siyaasiyiin aan xil hayn iyo saynisyahannada siyaasadda ayay u furan tahay faaqidaadda lagu eegayo xiriirka ka dhexeeya qowmiyadaha dal wadaagga ah iyo saameynta ay ku leeyihiin siyaasadda Qarankooda.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media