UEFA oo shaacisay sida ay xulalku dheriyada u kala gelayaan isreebreebka Euro 2020 (Goorta la samaynayo)

0

(Nyon) 21 Nof 2018 – UEFA ayaa xaqiijisay in dalalka Belgium, France, Spain, Italy, Croatia iyo Poland ay ku jiraan dheriga 1-aad marka la sameeynayo isku aadka Euro 2020 oo ku beegan 2-da bisha Diseembar ee soo aaddan, halka uu Jarmanka oo Serie B u laabtay uu dheriga 2-aad ku jiro.

Dalalka Switzerland, Portugal, Netherlands iyo England ayaa ku jira dheri u gaar ah oo Nations League la yiraahdo kaddib markii ay guruubyadooda ku guulaysteen, waxayna koowaad ka gelayaan guruubyada A-D, iyadoo loo reebay 2 maalmood si ay ugu tartamaan Nations League Final bisha Juun.

Hoos ka eeg isku aaadka oo ay 10 guruub min 2 kasoo baxayaan, halka 4 xulna ay kusoo baxayaan hannaanka kala baxa.

Dheriga Nations League: Switzerland, Portugal, Netherlands, England

Dheri 1: Belgium, France, Spain, Italy, Croatia, Poland

Dheri 2: Germany, Iceland, Bosnia and Herzegovina, Ukraine, Denmark, Sweden, Russia, Austria, Wales, Czech Republic

Dheri 3: Slovakia, Turkey, Republic of Ireland, Northern Ireland, Scotland, Norway, Serbia, Finland, Bulgaria, Israel

Dheri 4: Hungary, Romania, Greece, Albania, Montenegro, Cyprus, Estonia, Slovenia, Lithuania, Georgia

Dheri 5: FYR Macedonia, Kosovo, Belarus, Luxembourg, Armenia, Azerbaijan, Kazakhstan, Moldova, Gibraltar, Faroe Islands

Dheri 6: Latvia, Liechtenstein, Andorra, Malta, San Marino

Hadalsame Media