Maraykanka oo baad bilyan doollar ka badan ka qaaday Banki Faransiis ah! (Sabab la yaab leh!)

0

(Paris) 21 No 2018 – Baanka Societe Generale ayaa ogolaaday in uu $1.34 bilyan oo doollar siiyo Dowladda Federaalka Maraykanka kaddib markii sida la yiri uu ku tuntay cunaqabatayn uu Maraykanku saaray dalal ay ka mid yihiin Iiraan iyo kuwo kale.

Bankigan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waawayn dalkaasi Faransiiska ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu $95 milyan oo doollar oo dheeraad ah ka bixiyo xadgudub uu ku sameeyay xeerka lacag-dhaqista.

“Waxaan qiranaysaa oo ka shallaayaynaa khaladka dhacay waxaana Maraykanka kala shaqaynay sidii loo xallin lahaa arrrintaa,” ayuu yiri Agaasmiaha Guud Frederic Oudea oo war soo saaray.

Bankigan, ayaa magaciisa loosoo gaabiyo SocGen, ayaa sida lasoo werinayo wuxuu jebiyay xeer uu Maraykanku iskii u degsadey oo la yiraahdo Xeerka la Ganacsiga Cadowga (Trading with the Enemy Act), maadaama ay balaayiin doollar u kala xawileen macaamiil jaal la ah ama deggan dalal Maraykanku cunaqabateeyay oo ay ku jiraan Iran, Sudan, Cuba iyo Libya.

Arintan ayaa lagu macneeyay baad toos ah, maaddaama aanu Maraykanku dal ahaan ahayn hay’ad caalami ah, sidaa darteed aanu sharciyan xaq u lahayn inuu caalamiyan u ansixiyo xeerar uu isagu dal ahaan usoo saaray.

 

Hadalsame Media