DAAWO: Moise Kean oo noqday laacibkii ugu horreeyay ee dhashay qarniga 21-aad ee Talyaaniga u safta + Sawirro

0

(Genk) 20 Nof 2018 – Qannaas-yaraha Juventus ee Moise Kean ayaa taariikhda ku galay inuu yahay laacibkii ugu horreeyay ee Talyaaniga u safta ee dhashay qarnigan 21aad.

Hujuumkan soo baxaya ayaa gadaal kasoo galay ciyaartii ay Talyaanigu 1-0 uga adkaadeen Maraykanka daqiiqadihii ugu dambeeyay, waloow ay goolal ku qubaysteen kulan ka dhacay Genk, Belgium.

Kean ayaa ku dhashay Vercelli, Febraayo 28, 2000, wuxuuna kasoo dallacay junyarka 21-jirka ka hooseeya, wuxuuna kulankani ciyaar bilow u ahaa 18-jirkan dhanka waawaynka La Nazionale.

Halkanka daawo googooska…

Hadalsame Media