”Wuxuu Somalia siiyaa kaalmo & koofiyado!!” – Warbixin qosol badan oo uu urur Maraykan ihi kasoo saaray dalal Somalia ku jirto + Sawirro

0

(Washington, DC) 20 Nof 2018 – Washington ayaa dabci u leh inay duqayso dalalka aan difaaca fiican lahay iyadoo sheegaysa inay dimoqraadiyad hirgelinayso, balse misna waxay hub ka iibisaa ama kaalmo toos ah siisaa dalal ay isla iyadu u aragto kuwo ku xun xuquuqda inskaanka.

Freedom House, oo ah urur aan dowli ahayn (NGO) oo Maraykanka laga dhisay 1941-kii, ayaa soo saaray warbixin sanadeedkiisa, taasoo uu dalalka ugu kala qaybiyay 3 qaybood; “dalal xor ah”, “kuwo qayb ahaan xor ah”, iyo “kuwo aan xor ahayn.”


Ururkan oo ay ku dhowaad gebi ahaanba maalgeliso dowladda Maraykanka ayaa tusaale ahaan Maraykanka iyo dalalka la ologga ah u arka “kuwo xor ah” halka uu dalalka cadowga ku ah sida Russia iyo China uu u arko “kuwo aan xor ahayn.” Ururkan ayaa warbixintiisa 2018 ku qeexay 2.7 billyan oo ku nool 49 dal kuwo ‘‘aan xor ahayn.”

Misna 49-kaa dal, ugu yaraan, 35 ka mid ah – oo ka dhigan 71%  – waxay hubka ka iibsadaan Maraykanka amaba isaga ayaa siiya kaalmo dhanka ciidanka ah oo ay toos uga qaataan Pentagon.

‘Kuwa xun kuwa ugu sii xun’

Bishii Sebtember 2017, warbixin kasoo baxday Rich Whitney of Truthout wuxuu Freedom House uu 12 dalalkaasi ka mid ah uu ku tilmaamay “kuwa ugusii xun kuwa xun.” Misna kala barkood oo ah – Saudi Arabia, Somalia, Turkmenistan, Uzbekistan, Central African Republic iyo Libya – waxay kaalmo millateri ka helaan Maraykanka.

Warbixintu waxay leedahay, Somalia waxaa ragaadiyay dagaallo sokeeye, argagixiso iyo dagaallo qabyaaladeed oo soconayay tan iyo 1991-kii, misna Maraykanku wuxuu taageeraa dowladda dhexe, isagoo siiya kaalmo millateri iyo koofiyado ay ku qoran tahay “Make Somalia Great Again”.


Hadalsame Media