”Waxaa la gaarey xilligii ay dhuuman lahaayeen ”AGOONTII Gabre” – Faarax Macallin + Sawirro

0

(Nairobi) 17 Nof 2018 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin ayaa aad usoo dhoweeyay gacan ku dhigista Gaashaanle Gabre Dila oo haatan u gacan galay nidaamka cusub ee dalkaasi Itoobiya ee uu horseedka ka yahay Dr Cabbeey Axmed oo ku eedeeyay waxyaabo ay ka mid yihiin ku tumashada xuquuqda insaanka shacabka Soomaaliyeed iyo faragelinta arrimohooda, sida la yiri.

Md Macallin ayaa dhanka kale la hadlay hoggaamiyayaasha maamul-goboleedyada iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta kale ee Soomaaliya oo la rumaysan yahay inuu ninkaasi kabiir ugu ahaa hagardaamaynta, qaybinta iyo fashilinta umadda Soomaaliyeed, kuwaasoo ay qaarkood weli cayrsanayaan siyaasadahaa gurracan ee lagu wiiqayo hore u socodka dalka Somalia.

Wuxuu soo qoray sidan: ”Gaashaanle Gabre kawaanlihii Muqdisho oo muddo 10 sano ku dhow madaxwayne beenaad ka ahaa Somalia waa baxsad. Ishaa macallin ahe waa waqtigii agoomadiisii gobollada Somalia ay raadsan lahaayeen meel ay ku dhuuntaan ama ay ku dambeeyaan sida Cabdi ileey.”


Hadalsame Media