AAMIN ISNA ILAALI? Madaxwayne Farmaajo oo looga digey middi laba af yeelan karta!

0
Though the initiative isn’t a surprise given the sweeping reforms by the new Ethiopian prime minister Abiy Ahmed, the announcement is groundbreaking and has the potential to change the region’s overall political and economical interplay.

(Nairobi) 17 Nof 2018 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin ayaa aad usoo dhoweeyay iskaashi wax wada qabsi iyo wada danaysi ah oo ka hana qaada Gobolka Geeska Afrika oo muddo dheer ahaa meel lagu tijaabiyo afkaaraha siyaasadeed ee isku lidka ah ee uu ninka cadi hindisey.

Yeelkeede, waloow uu soo dhoweeynayo wuxuu misna soo jeediyay in wax kasta lagu eego indho waaqici ah oo laga digtoonaado dibin-daabyo kasta oo ku hoos jiri karta marka uu nacab hore kuu sheego inuu nasteex cusub kuu noqonayo, wuxuuna Twitter-ka kusoo qoray sidatan:

”Siyaasaduhu waa ciyaar ku dhisan feejignaan ruuxi ah marka aad la macaamilayso nacab iyo nasteex. Dr Cabbeey wuxuu u baahan yahay taageerada Soomaalida caalamiyan, Soomaaliduna si la mid ah bay ugu baahan tahay tiisa. Wada xaajoodyo adag baa xiga oo ku saabsan khayraadka iyo adeegsiga dekedaha. Farmaajoow wax aamin laakiin feejignoow. Waxyaabo wanaagsan baa ka dhacaya Geeska Afrika!”


Hadalsame Media