SAWIRRO: Maraykanka oo joojinaya hub uu ka iibin lahaa Sucuudiga & cadaadisyo kale oo la saarayo! (Sababta?)

0

(Washington, DC) 16 Nof 2018 – Hindise sharciyeed cusub oo yaalla aqalka Senet-ka ee Koongarayska Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu mamnuuci doono hub laga iibin lahaa Sucuudiga iyo saliid siinta dayuuradaha duqaynaya Yaman, taasoo looga gol leeyahay in lagu ciqaabo dalkaasi, kaddib dilkii Kashuuqji, sida la yiri.

Guddiga Xiriirka Dibedda ugu qaybsan aqalkan oo uu hoggaamiyaan Bob Menendez (D-New Jersey) iyo  Lindsey Graham (R-South Carolina) ayaa keenay xeerka oo la yiraahdo “Saudi Arabia Accountability and Yemen Act of 2018.” Kaasoo ay diyaariyeen 3 Dimoqraadi ah iyo 2 Jamhuuri ah.

Menendez, oo ah ninka ugu sarreeya Dimoqraadiga guddigan ku jira ayaa sheegay in aanay ku fillayn cunaqabatayn uu maamulka Trump saaray 17 qof oo Sucuudiyaan ah Khamiistii, balse loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyo dilka Jamal Khashoggi, isla markaana Riyaad lagu cadaadiyo joojinta dagaalka Yaman.

Dilka Khashuuqji oo Sucuudiga la eedsiiyay

 

Yeelkeede, isla Senet-ka ayaa diidey qorshe lagu baahin lahaa hub kale oo laga iibin lahaa dalka Baxrayn, taasoo tillaabadan lafteeda ka dhigaysa mid uun dunida la maqashiinayo sida ay qabaan gayfanayaal arrintan saluugsan, waloow uu is bedeley miisaanku maadaama ay Aqalka Wakiillada la wareegeen Dimoqraadigu.

Saudi army artillery fire shells towards Yemen from a post close to the Saudi-Yemeni border, in southwestern Saudi Arabia, on April 13, 2015 . Saudi Arabia is leading a coalition of several Arab countries which since March 26 has carried out air strikes against the Shiite Huthis rebels, who overran the capital Sanaa in September and have expanded to other parts of Yemen. AFP PHOTO / FAYEZ NURELDINE (Photo credit should read FAYEZ NURELDINE/AFP/Getty Images)

Hadalsame Media