”Itoobiya waxaa afgembi ku qabsaday dalal Carbeed & reer Galbeed!” – Tigreega oo ay qayladii ka dhamaatay!

0

(Addis Abeba) 16 Nof 2018 – Qoomiyadda Tigreega ayaa u muuqata mid diiddan isbeddelka ka curtay Itoobiya oo ay iyagu gacan bir ah ku haysteen muddo 20 sanadood ka badan.


Tigreegu oo lagu murmi karo inay tahay qoowmiyadda qura ee waqti xaadirkan midaysan marka la eego dhamaanba qoowmiyada kala geddisan ee dalkaasi ayaa af labadii yeeraya, iyagoo xitaa mararka qaar ku dhawaaqaya inay ka go’ayaan Itoobiya haddii aan wax laga bedelin waxa socda.

Twitter ay leeyihiin ayaa soo qaatay maqaal uu qoray Ezana wrote bishii Maarso 7, 2018, kaasoo ay sheegeen in 20 maalmood kaddib ay afgembi Itoobiya ku qabsadeen dalalka Masar, Sucuudiga, Imaaraatka iyo reer Galbeedka. Waa qorshe la degey ee su’aashu waxay tahay ma dheelaysaa ciyaartaas mise adigaa samaysanaya mid aad leedahay?


Waxay sidoo kale dhaliileen qaabka uu u socdo kulanka 3-geesoodka ah ee Itoobiya, Somalia iyo Eritrea oo ay sheegeen in haddii uu dan qaran yahay aan loo baahnayn hunu hunu iyo shirar aan la ogayn waxa loogu hadlayo ee bannaanka lasoo dhigo qorshaha la rabo in la hirgeliyo.

Hadalsame Media