”Isla markii aan bilaabay baaritaanka Juventus ayaa HANJABAAD la igu bilaabay!!” – Weriyihii la gubi gaarey oo hadlay + Sawirro

0

(Roma) 15 Nof 2018 – Weriyihii la isku dayay in guriga lagu gubo ayaa markii ugu horreeysey hadlay isagoo ka cowday in “lagu qaaday olole nacayb ah” tan iyo markii uu bilaabay baaritaanka Juventus.

Federico Ruffo ayaa ah ninka soo diyaariyay barnaamij ka baxay Rai 3 oo ku saabsanaa fal ay sameeyeen ‘Maafiyada Ndrangheta oo ka shaqaysata dembiyada abaabulan oo la macaamilay taageerayaasha dhow ee Juventus ee Curva, taasoo xitaa madaxwaynaha kooxdu wax ka ogaa sida lagu helay.

Arrintan ayaa markii ay soo shaac baxday waxaa shaki dheeraad ihi sii beermay markii uu si deg deg ah u geeriyoodey taageere Juve ah, Raffaello Bucci, kaasoo ka shaqaynayay qaybta tigidhada, balse sidoo kale booliisku la xiriirayeen.

Weriye Ruffo ayaa isna loosoo dhacay 4.30am subaxnimadii Talaadada, iyadoo la doonayay in guriga lagu gubo iyadoo shidaal lagu bilbilay sidoo kalena Laanqayr Cas lagu sawiray gidaarkiisa, balse waxaa qayliyay eeygiisa waana baxsadeen.

“Qolo kasta oo falkan ku kacday waaya arag ma ahayn, waayo waxay ku kufeen baaquligii Eeyga, sidaasna waxaa lagu maqlay dhawaqoodii…” ayuu Ruffo u sheegay Radio Kiss Kiss iyo TG1.

“Waxaa jirta xaalad qaraar hadda, maxaa yeelay, marka laga reebo shaqaalaha RAI, ma jirin cid kale oo garowsatey sida ay xaaladdani xasaasi u tahay.”

“Waxaa nalaku qaaday olole qara wayn oo nacayb ah isla daqiiqaddii aannu baahiney iidhehdii barnaamijka ee aannu sheegnay inaanu baarayno arrinta Juventus. Waxaa naloosoo diray nooc kasta oo hanjabaado ah.

“Subax kasta, waan toosaa oo waxaan helaa farriimo badan oo la iisoo mariyo baraha bulshada oo la igu waydiinayo sababta aan weli u neefsanayo, maxaa yeelay waxaan wax ka sheegay naadigooda la jecloow.

“Way la qabsadeen hab-dhaqanka noocan ah, markaas ayay la noqotay inay sharci u leeyihiin inay sameeyaan wax kasta oo ay doonaan. Sida cad, anigu isma dhiibo.” ayuu Ruffo ku soo jaray warkiisa.

Hadalsame Media