Weriye barnaamij ka sameeyay xiriir ka dhexeeya Maafiyada & Juventus oo la isku dayay in gurigiisa lagu gubo!

0

(Roma) 14 Nof 2018 – Weriye Talyaani ah oo baaritaan ku sameeynayay dembiyada abaabulan ee ka dhexeeya Maafiyada Ndrangheta iyo taageerayaasha dhow ee Juventus ayaa la isku dayay in gurigiisa dab lagu qabadsiiyo.

Federico Ruffo ayaa ahaa ninka ka dambeeyay barnaamij dhowaan ka baxay hilinka Rai 3 kaasoo lagu eegay xiriirka ay ‘Ndrangheta la leedahay taageerayaasha Juve ee Curva, si tigidhada loogu iibiyo sicir aad loo cayiliyay.

Waxaa intii arrintan la baarayay sidoo kale si lama filaan ah u geeriyoodey taageere Juventus ah, Raffaello Bucci, kaasoo naadigana u shaqeeynayay, booliiskuna waraysi la yeelanayeen-

Markii hore waxaa hawada lasoo geliyay inuu is diley, balse telefoonno lagula hadlay oo la dhegeystay ayaa muujinaya in loo hanjabayey ka hor inta aanu ”buundo iska tuurin”, sida la yiri.

Sida haatan ku qoran Il Mattino, weriye Ruffo wuxuu joogey gurigiisa oo ku yaalla Ostia oo u dhow Roma markii saacaddu markii ay ahayd 4.30am subaxnimo goortaasoo gurigiisa lagu sawiray Laanqayr Cas, isla markaana batrool lagu shubay albaabka.

Balse intii aan dabka la qabadsiin, ayaa waxaa waxaa qayliyay eeygiisa taasoo keentay in ay cararaan qoladii dabka shidi lahayd, waana arrin loo fahmey in weriyaha baarista wada lagu cabsiinayo, waloow aysan caddayn cidda ka dambaysa.

Yeelkeede, Ruffo iyo kooxda warbixinta la diyaarinaysa ayaa horay u sheegay inay heleen farriimo cabsiin ah iyo hanjabaado ku aaddan in tillaabo sharci ah laga qaadayo haddii ay sii wadaan baaristan oo uu sidoo kale ku lug leeyahay madaxwaynaha Juventus Andrea Agnelli oo lagu helay inuu ogaa tigidhadaas gelayay gacmaha kooxdan Maafiyada ah, taasoo horay loogu ganaaxey.

Hadalsame Media