Nin isku dayay inuu dhoco banki ay lacagi u taalley & shaqaalihii oo weji gartay! (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Torino) 14 Nof 2018 – Nin baa laan banki ka furtay koonto uu lacagta ku kaydsado, taasoo ka tirsan isla banki uu todobaad ka hor isku dayay inuu dhoco, balse waxaa gartay kaasayeerigii kaddibna wuu cararay.

Arbacadii hore Nofeember 7: Puglielli wuxuu  subixii galay Sella Bank of San Mauro Torinese isagoo uu wejigiisu furan yahay oo boorso gacanta ku sita, sidii nin ganacsade ah oo lacag la bixi raba.

Yeelkeede, markii uu miiska soo istaagey ayuu middi iska soo jaray, isagoo dalbaday in lacag loogu shubo boorsada, balse waxaa weji gartay nin shaqaalaha ka mid ah, kaddibna wuu cararay markii uu ogaadey inuu fashilmay.

Muuqaallada CCTV-ga ayaa deeto la eegay si loo hubiyo waana rumowdey inuu yahay ninkii u dhacay banki la dhigto waxyaabaha qaaliga ah ee la isku qurxiyo, isagoo noqday Fabio Puglielli, 31 jir, ku nool magaalada Torino, waxaa soo qabtay booliiska carabinieri-ga.

Hadalsame Media