DAAWO: Argagixisannimada ma waxaa go’aaminaya falka mise diinta qofka? (Mahdi Xasan oo muuqaal cajiib ah ka sameeyay)

0

(London) 14 Nof 2018 – Weriyaha Mahdi Xasan oo saldhigta Ingiriiska, sidoo kalena ah gayfane u dooda Muslimka ayaa muuqaalkan ku eegaya sida loo kala sunto falalka argagixisanimo marka uu gaysto qof magac Muslim sita iyo marka kale, gaar ahaan habka aan halka jid ku socon ee arrintaa looga magac bixiyo Maraykanka.

Tusaale, Dylan Roof oo ah xag-jir cunsuri caddaannimo u dirir ah, isagoo sida uu yiri doonayay inuu bilaabo dagaal isireed wuxuu kaniisad ku dhex toogtey 9 qofood oo madow ah, kaniidad ku taalla magaalada Charleston, balse argagixiye uguma yeerin warbaahintu walaa hay’adaha sharci oogista sida FBI.

Nin asal Pakistani ah oo la yiraahdo Jubayr Axmed, waxaa xabsiga la dhigay 12 sano, gugii 2012 kaddib markii uu sameeyay muuqaal Youtube ah oo kooxda mintidka ah ee Lashkar-e-Tayiba ee dalka Pakistan.

Ka warran Jared Lee Loughner ninkani wuxuu 2011 diley haweenaydii Arizona ugu jirtey Koongarayska Gabrielle Giffords iyo 8 kale, waloow uu Mahdi 6 sheegay, loolama dhaqmin sidii argagixiye nidaam diid ehe waxaa kaliye lagu oogey dil iyo isku day dil.

Javed Iqbal oo saldhigta New York, waxaa lagu xukumay 6 sano xabsi ah, kaddib markii la yiri ”waxaad taageertaa argagixisada”. Muxuu sameeyay? Wuxuu kaliya dadka u sahley inay daawadaan hilinka Xisbollaah ee Mannaar TV.

Ka warran Robert Doget oo isku dayay inuu weeraro Muslimiinta New York, laguma magacaabin argagixiye, waxaa kaliya lagu eedeeyay inuu ku tacadiyay xuquuqda madaniga ah, maaddaama uu burburin lahaa hanti diimeed.

Nin Farmashiiste ah oo la yiraahdo Tariq waxaa gorodda loo surey 17 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu taageero hiil ah u muujiyay argagixisada isagoo tarjumayay muuqaallo dacaayad ah oo ay samaysay kooxda xag-jirka ah ee Al Qaacida, taasoo ay dadka qaar ku doodayaan inay ka mid tahay xorriyatul qowlka.

Waxaa kaloo jirta tibix caan ah oo leh: ”Muslimka oo dhami maaha argagixiso, balse argagixisada oo dhami waa Muslim,” taasoo ah been cad, marka aad xisaabta ku darto inta aannu soo sheegnay.

Sidoo kale tirakoob la sameeyay ayaa sheegaya in tan iyo 11-kii Sebt 2001 ay kooxaha xag-jirka ah ee caddaanimo u dirirka ihi ay Maraykanka ku dileen 48 qofood, taasoo laba jeer ku dhowaad ka badan kuwa lagu eedeeyay xag-jirka Muslimka sheegta oo diley 26 qofood. Ogoow muuqaalkan waxaa la sameeyay 2 sano kahor, waayo kaddib dhowr weerar oo ay dad cadaan ihi ka dambeeyaan ayaa dhacay.

Hadalsame Media