Gaadiid sida shixnado ganacsi oo ku xanniban degmada Afgooye (Sababta)

0

(Afgooye) 14 Nov 2018 – Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in qaar ka mid ah koontaroolada degmadaasi ay ku xayiran yihii gaadiid fara badan oo xamuul ah.

Gaadiidka oo ka baxay Magaaladda Muqdisho ayaa ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobolada koofureed ee Soomaaliya sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u diideen gaadiidkaasi inay ka gudbaan koontaroolada degmada Afgooye.

Ciidamada ayaa la sheegay in lacago baad ah ay waydiisteen darawalada gaadiidkaan xamuulka waxaana darawaladu sheegeen inaysan awoodin lacagaha lagu soo rogay.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka cabanayaan mushaarkoodii oo ka daahay sidaas darteed ay shacabka ku soo jeesteen oo ay soo bateen isbaarooyinka ay dhiganayaan jidka xiriiriya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay go’aan ka qaataan Miisaaniyadda dalka oo la sheegay in lagu soo daray qeyb ka mid ah oo ah in mushaarka loo kordhiyo ciidamada qalabka sida.

Hase ahaatee qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa la sheegay inay siyaasadeeyeen mushaar kordhinta ciidamada iyadoona arrintaas shacabku ku tilmaamay nasiib darro.

Mushaarka ciidamada ayaa la filayaa in la isku bixiyo bilaha Oktoobar, November iyo December waa haddii Baarlamaanku ansixiyo.

Hadalsame Media