SAWIRRO: Jeneraal Soomaalida u eedaysan oo musuq loo qabtay & Suuqa isgaarsiineed ee Itoobiya oo u furmaya maalgashi dibadeed (Shirkadaha Soomaalidu maka qayb qaadan karaan?)

0

(Addis Abeba) 13 Nof 2018 – Wararka naga soo gaaraya dhanka Itoobiya ayaa tibaaxaya in lasoo qabtay Sarreeye Guuto Kinfe Dagnew oo ay kaamarooyinku qabteen isagoo jeebbaysan.


Ninkan oo ahaa Agaasimihii Guud ee MeTec, oo ah hay’ad balaayiin doollar ku kaceeysa oo ay maamulaan millateriga dalkaasi ayaa udub dhexaad u ah qorshe lagula dagaallamayo musuqa dalkaasi.

Ninkan oo galab gaabkii la keenay magaalada Addis Abeba ayay dad badani aaminsan yihiin inuu sidoo kale dhibaatooyin u gaystay Soomaali fara badan.


Dhanka kale, hay’adda isgaarsiinta Vodacom ayaa doonaysa inay soo gasho suuqa cusub ee isgaarsiineed ee dalka Itoobiya  oo ay qaab hal-gacmeed ah u haysan jirtey shirkadda dowladda Itoobiya hoos tagta ee Tele, iyadoo kaashanaysa shirkadda Safaricom ee Kenya.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii Juun horay u sheegtay inay furi doonto suuqa isgaarsiineed ee dalkaasi, si ay shirkado cusubi halkaa u maalgashadaan isla markaana ay usoo jiitaan tartan cusub si ay tayada adeeggu u kobacdo.

Lama oga inay shirkadaha Soomaalidu ku tala jiraan ama ay leeyihiin xajmi ay suuqan uga qayb galaan.

Hadalsame Media