Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo loo balanqaaday tababaro iyo taageero kala duwan

0
Somali's offload the catch of the day from fishermen, at the Bossaso harbour in Puntland, Somalia, Thursday, 29 Jan, 2015 Somali American actor, Barkhad Abdi left Somalia when he was seven years old and returned for the first time for a visit to the country as an Adeso Goodwill Ambassador.In the 23 years since Somalia defended into civil war, the country's waters have been exploited by illegal fisheries, and the economic infrastructure that once provided jobs ravaged.Too often, there was simply no way for young men with limited educations to provide for themselves or their families , and many turned to piracy. Although piracy has decreased in recent years, unless young men in Somalia are provided with appealing livelihood opportunities , there is a chance that they could revert back to piracy. ADESO/ KAREL PRINSLOO.

(Muqdisho) 11 Nov 2018 – Dowladda Shiinaha (China) ayaa sheegtay inay gacan ka gaysan doonto tababaro la siinayo Kalluumeysatada Soomaaliyeed si ay u kordhiyaan wax soo saarkooda la xiriira dhanka badda.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa kulan la yeeshay safiirka Shiinaha u fadhiya Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaana labada nin ka wadahadleen arrimaha Kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.

Safiirka Shiinaha Qin Jian ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay tababaro u siin lahayd Kalluumeysatada taasoo uu sheegay inay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Tallaabada dowladda Shiinaha ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay iskaashi dhanka kalluumeysiga la xiriira oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Hadalsame Media