Jabhad qarsoodi ah oo Jarmanka kasoo baxday (Qorshe halis ah oo u degsan!!)

0

(Berlin) 11 Nof 2018 – Koox garabka midig ah oo qaab qarsoodi ah uga dhisan Jarmanka ayaa la sheegay inuu u degsan yahay qorshe ay ku bartilmaameedsanayaan madaxda sare ee Jarmanka haddii uu dhoco nidaamka dalkaasi.

Kooxdan xag-jirka ah oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa sida aadka ah u tababaran ee Komaandooska ee KSK iyo qaar ka howlgabay xoogga iyo sharci fulinta dalkaasi, ayaa sida la sheegay waxaa u diyaarsan “qorshe adag” oo ay ugu yeeraan “Day X” – markaasoo ah goorta uu dhacayo nidaamka iyo kala dambaynta Jarmanku, sida lagu qoray majaladda Focus.

FILE PHOTO © Hannibal Hanschke
Qaar ka mid ah ciidamada Jarmanka ee Bundeswehr

Waxaa qorshahan halista ah ka mid ah in lasoo ururiyo “siyaasiyiinta aan loo baahnayn” oo deeto inta meel fog la geeyo tarab tarab loo laayo, waxaana magacyada dadkaa calaamaysan ku jira siyaasiga Dietmar Bartsch, madaxa Isbahaysiga Bidixda ah ee ku jira Baarlamanka Jarmanka.

Hadalsame Media