”Waxaan eeday farriin gaad-gaad ahayd oo aan u diray SAAXIIBTA guddoonkii Juventus!!” – Vincent Pericard oo shallaayay!

0

(Torino) 08 Nof 2018 – Qannaaskii hore ee Juventus ee Vincent Pericard ayaa sheegay inuu aad uga shallaayay farriin is gaad gaad ahayd oo uu ugu diray gabar saaxiib la ahayd Roberto Bettega, taasoo uu burburisey waayihiisii ciyaareed ee Bianconeri.

Pericard ayaa loo arkayay mid ka mid ahaa xiddigihii Yurub kasoo baxayay bilowgii qarnigan 21-aad gaar ahaan 2000, isagoo Juve uga yimid dhanka Saint-Etienne isla sanadkaas, balse ninkani wuxuu markii dambe noqday nin ku dhex meeraysta horyaalka Ingiriiska kaddib markii uu Portsmouth ku biiray laba sanadood kaddib.

Yeelkeede, ku biiristaasi ma ahayn mid si caadi ah u timide, waa mid uu 36-jirkani u arko ciqaab ahaan, waana sheeko dhacday kaddib markii uu gaad gaaday gabar afka Talyaaniga bari jirtey oo saaxiib la ahayd halyeeyga Old Lady legend oo uu ku casuumey inay kulmaan.

“Nolosheeyda dhan ee dibedda Juventus waxay ahayd fadeexo. Aniga iyo labada laacib kale oo faransiis ah ayaa waxaa Talyaaniga na bari jirtey gabar quruxleey ah,” ayuu ku bilaabay isagoo la hadlaya The Sun.

“Maalin baan fiidkii annagoo guriga joogna waxaan farriin u diray macallimadda, anigoo ku casuumey inaan wax isla cabno. Deeto saacad kaddib waxaa soo dhacay telkeeyga. Wuxuu ahaa Roberto Bettega, Guddoomiye xigeenkii hore ee Juventus. Wuxuu nagu wargeliyay inaan gabadhiisa ka leexanno. Isagoo nagu yiri; ”Yaad is mooddeen marka aad farriin usoo diraysaan?”

“Ma aynaan ogayn inay saaxiibtii ahayd. Waxaa naloo ballamiyay kulan, aniga waxay i amaahiyeen Portsmouth. Tii xumayd baa igu dhacday, waayo way isu keey saarnayd Juventus. Waxaan se waayahaygii Juve ku dumiyay farriintaa nasiib darrada ahayd.” ayuu ku calaacalay Pericard.

“Wax shaki ah kama qabo in haddii aysan taasi dhici lahayn, ay nolosheeydu gebi ahaanba ka duwanaan lahayd midda haatan.” ayuu ku shallaayey.

Hadalsame Media