”’Mourinho nin wayn maaha!” – Paul Scholes

0

(London) 08 Nof 2018 – Halyeeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa muujiyay sida aanu ula dhacsanayn hab-dhaqankii xalay ee Jose Mourinho oo dhegta u taagey taageerayaasha Juventus.

Macallinkii hore ee Inter ayaa la xafiiltamay taageerayaasha Bianconeri kulankii ay Champions League 2-1 uga soo badiyeen laba gool oo dhashay dhamaadkii ciyaarta, iyadoo la arkayay Mou oo taageerayaasha u ishaaraya inay kor u qayliyaan.

“Waxaad u baahan tahay inaad guusha woxoogaa dadnimo ah ku darto,” ayuu Scholes ku yiri BT Sport.

“Ilama aha in looba baahnaa waxa uu sameeyay, sida u sacbinta taageerayaasha. Waa wax maalaa yacni ah oo aan daruuri ahayn.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media