Dadka degan dhulkii Jaamacadda Gaheyr oo lagu armay inay halkaasi isaga guuraan

0

(Muqdisho) 04 Nov 2018 – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Yariisow ayaa faray dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr in ay isaga guuraan muddo labo todobaad gudahood ah .

Qoraal ka soo baxay xafiiska Maamulka sare ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale taliska Booliiska gobolka Banaadir ku amray in ay dhaqan galiyaan go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka oo dadkana halkaasi laga saaro.

Maamulka ayaa sheegay in xarunta Jaamacada Gaheyr dib u dhis lagu sameyn doono dhawaan si loo soo celiyo Jaamaacada waxaana mashruucaas qeyb ka qaadanaya wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare

Dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr ayaa horay dhowr jeer loogu amray inay isaga guuraan halkaas hase ahaatee waa ay diideen waxaana hadda la ogeyn sida amarka gobolka banaadir ku dhaqan gali doono.

Hadalsame Media