Xagee marayaan dadaalada Aqalka Sare ee lagu xalinayo muran siyaasadeedka dowladda dhexe iyo maamullada?

0

(Muqdisho) 03 Nov 2018 Guddi gaar ah oo Golaha Aqal sare ee Soomaaliya u xil saaray xalinta muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabduullaahi ayaa lagu wadaa inuu shir gudoomiyo kulan ay yeelanayaan guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare.

Waxaa looga hadli doonaa kulanka halka uu mareyo dadaalka xal u helida khilaafka siyaasadeed ee taagan waxaana gudoomiyaha gudiga uu ka dhagaysan doonaa warbixin.

Guddiga ayaa sidoo kale la filayaa inay kulan la yeeshaan RW Xasan Cali Kheyre iyadoona la ogeyn waxyaabaha ay kala hadli doonaa, hase ahaatee waxaa yar rajada laga qabo in Aqalka sare ku guuleysan doono xalinta khilaafka taagan, sababtoo ah madaxda maamul goboleeyada oo sida la sheegayo leh dano siyaasadeed oo qarsan.

Hadalsame Media