Waa kuma Shariif Xasan Shiikh Aadan?

0

(Muqdisho) 03 Nov 2018 – Hoggaamiyaha maamulka koofur galbeed ee Soomaaliya Sharif Xasan Shiikh Aadan oo hadda muddo xileedkiisa ay ka harsan yihiin wax ka yar labo asbuuc ayaa wajahaya loolan siyaasadeed oo aad u adag.

Waa kuma Shariifku?

Siyaasigaani ma ahan mid ku cusub maqalka iyo muuqaalka dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka. Marka laga hadlayo xagga tacliinta, waxaa isaga afkiisa uu ka sheegay in wax Jaamacad, dugsi Dhexe iyo Sare uusan midna soo dhigan, hase ahaatee uu dhigtay Dugsi Quraan iyo Iskuul Hoose.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulka koofur galbeed oo mudadii afarta sanno ahayd ee uu xilka hayay aan xitaa hal tallaabo loo qaadin wax ka bedelka xaaladda ka jirta dhulka, sida amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Waxaa kaloo dadka naqdiya siyaasadiisa ay sheegeen inuu isku hareereeyay dad aqoon ahaan isaga la mid ah ama ka liita, waxaana taasi ay cuuryaamisay habsami u socodkii howlaha maamulkiisa.

Waxaa uu mar soo noqday wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya, isagoo kadibna u diga rogtay guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya xiligii dowladda Shariif Shiikh Axmed.

Dhowr jeer ayuu u tartamay hoggaanka sare ee dowladda dhexe hase ahaatee waa uu ku guuldaraystay damacaasi.

Waxaa lagu tirayaa inuu yahay nin wajiyo badan, aamusnaan badan, kamana qeybgalo doodaha furan ee dadweynaha iyadoo wareysiyada uu bixiyana ay aad u kooban yihiin.

Waxaa uu ahaa Dullaal Siyaasi ah oo aan dhicin 15-kii sanno ee ugu dambeeyay waxaana uu sabab u ahaa door muuqdayna ka ciyaaray dhowr xukuumadood oo la riday iyo khilaaf joogta ah oo soo kala dhexgali jiray hay’addaha sare ee dowladda dhexe.

Xukuumadihii uu isagu sababta u ahaa inay dumaan waxaa ka mid ahaa tii uu hoggaamin jiray madaxwayneha Soomaaliya ee hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa kaloo ka mid ahaa, xukuumadii Cali Maxamed Geedi.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa hadda ah guddoomiyaha golaha Iskaashiga maamul goboleedyada waxaana uu wajahayaa culeys siyaasadeed oo aad uga duwan kuwii uu hore uga soo galgashay, waxaana dadka siyaasadda saadaaliya ay sheegayaan in doorashada Baydhabo ee 17-ka bishaan dhacaysa ay noqon doonto mid kala go’aamisa mustaqbalka siyaasadeed ee Shariifka.

Shariifka oo saaxiib dhow la ahaa dowladda Itoobiya ayaa la aamisan yahay in albaabkaasi hadda ka soo xirmay sababo la xiriira isbedelka Siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya.

Hase ahaatee, lama saadaalin karo inuu guuleysan doono ama in laga guuleysan doono.

Waxaa kaliya oo la ogyahay ayaa in si baahsan loo adeegsan doono dhaqaale xoog leh, Shariif-kuna uu hormuud u noqon doono xoogaga siyaasadeed ee la filayo inay adeegsadaan qarash badan si ay u iibsadaan codadka xildhibaanada koofur galbeed.

Musharaxiinta u tartameysa doorashada koofur kalbeed waxaa ka mid ah hoggaamiye kuxigeenkii hore ee Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow.

Hadalsame Media