”Haddii uu maamul-goboleed la fariisto Salva Kiir muxuu kala hadlayaa oo ka dhexeeya?” – Farmaajo oo runta u sheegay maamullada

0

(Jubba) 01 OKt 2018 – Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee koonfurta Suudaan wuxuuna halkaa ka caddeeyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin is dardarka ka jira hannaanka dowladeed ee dalka, gaar ahaan maamullada oo ay inta badan is qabtaan dowladda dhexe.

“Dowlad gobolleedyada waxey shaqadoodu tahay in ay u adeegaan bulshada ay mas’uulka ka yihiin sida Waxbarashada, Caafimaadka, uruurinta canshuuraha waa sida lagu yaqaanno nidaamka federaaliisam-ka.

“Madaxda Dowlad gobolleedyada dalkeena sidaa uma shaqeeyaan oo waxey leeyihiin, waxaan rabnaa in aan siyaasadii arrimaha dibedda ka shaqeyno, meello badan u tagno una safarno, lana fariisanno madaxda caalamka”

“Madaxweyne dowlad gobolleed ayaa doonaya in uu la fariisto Silva Kiir maxaad ka wada hadlaysaan? Maxaad kala saxiixan kartaan? ileen adigu dowlad goboleed ayaa tahay”

“Marka adiga Oo Madaxweyne dowlad gobolleed ah la fariisato Madaxweynaha Ama Raysal Wasaare dal kale Micnuhu wuxuu noqonayaa dalka fowdo ayaa ka jirta taasi waxey ceeb ku tahay Qarannimadeena.” ayuu yiri madaxwaynuhu.

Hadalsame Media