MAAGE AAN MAARMIN: Maraykanka oo gantaalo uu sameeyay matoorkooda Ruushka ka iibsanaya + Sawirro

0

(Moscow) 01 Nof 2018 – Waloow ay dunida u muujiyaan inay dirirsan yihiin tiiyoo aysan abidkood hal xabo isku ridin, misna Maraykanka iyo Ruushku si wanaagsan bay u wada shaqeeyaan dhanka Hawada Sare, iyadoo uu Maraykanku qaadanayo 4 matoor oo uu ruushku dhisay oo muhim u ah gantaalaha Atlas ee cir-bixiyeennada u qaada Hawada Sare. 

© Tim Peake
Hawada Sare xuduud malaha

4 matoor oo ah nooca RD-180 ayaa waxaa dhistay sharikadda Ruushanka ah ee NPO Energomash kuwaasoo ay qaadayaan sharikaadka Maraykanka ah ee Pratt & Whitney iyo United Launch Alliance (ULA) isla markaana ay tayadooda hubiyeen NASA iyo Ciidamada Cirka Maraykanka.

Matoorradan uu Maraykanku ka iibsanayo Ruushka oo 20 gaaraya ayaa 3 kale oo dheeraad ah dalkaa loo daabbulayaa dabayaaqada bishan Nofeembar.

United Launch Alliance, oo ah sharikad ay wada leeyihiin Lockheed Martin iyo sharikadda Boeing, ayaa sanado badan ku tiirsanayd matoorrada ay samayso Energomash ee RD-180 si uu u qaado gantaalka Atlas V tiiyoo ay jirto inuu Maraykanku cunaqabatayn saaray Ruushka.

Matoorka RD-180

Hadalsame Media