XOG: Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya (Sababta)

0

(Muqdisho) 31 Okt 2018 – Illo-xog ogaal ah oo diiday in la shaaciyo magacyadooda sababtoo ah looma ogola in ay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay Warsidaha Hadalsame Media in ururka midowga Afrika iyo xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay cadaadis saarayaan madaxda maamul goboleedyada si ay u keenaan miiska wadaxaajoodka.

“Ujeedada ugu weyn ee cadaadiskan waxa uu yahay inay aqbalaan baaqyadii iyo casuumaadii uu u fidiyay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,”ayey yiraahdeen illo-wareedka la hadlay Hadalsame Media.

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa socdaalo ku kala bixiyay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo waxayna la kulmeen Hoggaamiya Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safarka xigga ee xubnaha beesha caalamka ayaa la filayaa inay ku tagaan Maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana hadda la sheegayaa in dabacsanaan ay soo muujinayaan madaxda maamul goboleedyada oo iyana wajahaya culeysyo siyaasadeed oo gudaha maamulladooda ka jira.

Kulankii maanta ka dhacay Baydhabo waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha iskaashiga ayaa Wafdi ga Baydhabo ku soo dhaweeyay,isaga oo aqbalay dadaalka xal raadiska ah oo ay wadaan Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Waxaa uu laakin u sheegay wafdiga beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay faragalin xoog leh ku hayso arrimaha doorashooyinka koofur galbeed.

Hadalsame Media