DAAWO: Trump oo joojinaya in dhalasho la siiyo ilmaha ku dhasha Maraykanka + Sawirro

0

(Washington, DC) 31 Okt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay in Dastuurka Maraykanku aanu damaanad qaadaynin in dhalasho la siiyo qof kasta oo Maraykanka ku dhasha, gaar ahaan kuwa ay dhalaan dadka soo galootiga ah ee sharci darrada ku jooga, isagoo Twitter kusoo qoray:

”Waxa loogu yeero xuquuqda muwaadin ku noqoshada dhalashada, oo ah wax ay dalkeenna balaayiin doollar uga baxdo, xaq darrana ku ah dadkeenna, waa lasoo afjayaa si uun. Ma aha wax ku qoran 14th Amendment, aqoonyahanno badan oo dhanka sharciga ah ayaana ila qaba.’

Tweet-ka Trump ayaa daba socda waraysi uu Isniintii siiyay Axios, kaasoo uu ku sheegay inuu saxiix kusoo afjarayo xuquuqda uu yeelanayo qofka ku dhasha Maraykanka sida dhalashada otomaatigga ah, isagoo xeerkaas ku tilmaamay ”wax lagu qoslo.”

Warka Trump ayaa Maraykanka ka kiciyay xasarad Dastuuri ah waxaana 14th Amendment oo ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan Dastuurka ku qoran sidatan: “Qof kasta oo ku dhasha ee hoos yimaada xukunka Maraykanku, wuxuu xaq u yeelanayaa dhalasho uu siiyo Maraykanka ama gobolka uu deggan yahay.

Qodobkan ayaa la dhaqan geliyay 1868-kii kaddib dhamaadkii dagaalkii sokeeye ee Maraykanka si xuquuq loo siiyo addoontii la xoreeyay, balse waxaa loo fasiranayay mid uu dhalasho buuxda xaq ugu yeelanayo qof kasta oo Maraykanka ku dhasha.

Haweenay Maraykanka sharci la’aan ku joogta oo eegaysa gabadheeda yar oo 2-jir ah balse loo diidey dhalashada Maraykanka, Sullivan City, Texas, Sebt. 16, 2015.

Hadalsame Media