XAGAL CUSUB: ”Jamaal Khashuuqji wuxuu ahaa nin laba weji kula macaamilayay dunida Muslimka & reer Galbeedka” – Prof Khaliil (Daawo)

0

(California) 30 Okt 2018 – Waxaan weli meel saarrayn kiiska Jamaal Khashuuqji oo sidii la filayayba iska sii shiiqaya kaddib markii maalmo aad loo karinayay, waxaana la isku khilaafsan yahay wixii uu u taagnaa weriyahaa la khaarajiyay, qaar baa yiri wuxuu ahaa nin dhaliili jirey Aal Sucuud, qaar kale ayaa qaba in ay kaliya is khilaafeen maadaama uu weligii iyaga la shaqaynayay oo taageersanaa.

Yeelkeede, Dr Ascad Abuu Khaliil oo ah profesoor Cilmiga Siyaasadda ka dhiga Jaamacadda California State University, oo buugaag badan ka qoray Bariga Dhexe, wuxuuna sheegay in sawirka haatan la siiyay Khashuuqji uu aad uga duwan yahay waxa uu u taagnaa Khashuuqji oo uu sheegay inuu yaqaanney ilaa yaraantiisii.

Wuxuu sheegay in dadka akhrin jirey qoraallada uu Carabiga ku qoro ay haatan aqoonsan la’yihiin Khashuuqjiga ay sawirayso warbaahinta Galbeedka oo ku shaqeeysa falsafadda marna jiifinta marna joojinta, tusaale ahaan, ninkani wuxuu la shaqayn jirey Bin Laadin kaasoo uu ka xarig furtay markii ay Galbeedka isku dheceen oo uu Sucuudiguna albaabada ka xirtey.

Wuxuu kaloo sheegay Prof Khaliil in Khashuuqji uu qaddiyado fiican uga hadlo qoraalladiisa Carabiga ah, sida in loo hiilliyo Falastiin, in aan Qudus laga gorgortamin iyo in la taageero Ikhwaanka, balse aanu waxaa wax u dhow soo hadal qaadin marka uu af Ingiriisi wax ku qorayo oo uusan xayndaabyada Galbeedka hor dhigin arrimahaas oo ay iyagu saamayn ku leeyihiin.

”Shaqadii uu ninkani 20-ka sano soo wadey ee saxaafadeed laguma go’aamin karo qoraallo uu sanad ku qorayay Washington Post,” ayuu yiri Prof Khaliil oo sheegay inuu ninkani weligii ahaa nin si waalli ah u taageeri jirey nidaamka halka gacan ah ee reer Aal Sucuud.

Hoos ka daawo waraysiga oo dhan…

Hadalsame Media