DARAASAD CUSUB: Culumada caafimaadka oo sheegay inay xal u heleen cudurka KANSARKA

0

(Chicago) 30 Okt 2018 – Unug kasta oo jirka ka mid ihi wuxuu leeyahay ‘fure dilaa ah’ (kill code), kaasoo laga shaqaysiin karo si uu isagu isu burburiyo, sida ay sheegayso daraasad ay samaysay jaamacadda Northwestern University, gobolka Illinois, kuwaasoo aaminsan in arrintan looga faa’iidaysan karo la dagaallanka kansarka.

Waxay sheegeen in unugyada jirran looga shaqaysiin karo qaab ay iyagu ”isu miidaamiyaan”, iyadoo aan la adeegsanin kiimikada haatan lagu daweeyo ee aadka u culus sida chemotherapy-ga oo la rumaysan yahay inayba qofka dhulka u dhigto cudurka maadaama ay dileeyso ama aad u daciifiso hannaanka daafaca jirka.

‘Haatan waxaannu ka shaqaysiin karnaa furaha dilaha ah (kill code), annagoo aan wax kale adeegsan, kaliya waxaan isticmaalaynaa RNA macmal ah oo xitaa ka xoog badan midda dabiiciga ah,’ ayuu yiri ninka daraasadda hoggaaminaya Dr Marcus E. Peter, oo ka tirsan qaybta Cancer Metabolism ee Northwestern University Feinberg School of Medicine.

Yeelkeede, wuxuu sheegay in ay weli sanado ka harsan yihiin in dawada kama dambaynta ah lasoo saaro, iyadoo ay dad badani qabaan inaan dawada la waayin, balse la ilaalinayo danaha sharikaadka ka xoolaysta dawooyinka haatan lagula tacaalo cudurkaas oo qaali ah.

Hadalsame Media