DAAWO: Gabadhii ku doodaysay inay caddaan tahay oo jirradeeda lasoo ogaadey!

0

(Fort Lauderdale, FLA) 30 Okt 2018 – Waxaa baraha bulshada dhex meeraysanaya muuqaal lagu qoslay oo ku saabsan gabar madow ah oo laakiin aaminsan inay caddaan tahay, isla markaana madoowga ka neceb qolada cunsuriga ah ee KKK oo ay xitaa wacday isla markaana taageerto, iyadoo madowga ku sheegtay kuwo ”qaylo badan, edeb daran, aan soo jiidasho lahayn, guud ahaanna buurbuuran oo foolxumo badan.”

Waxaa haddaba arrintii loo bandhigay Dr Spirit oo ah gabar madow ah oo Therapist ah ayaa arrinta ka hadashay, waxayna sheegtay in gabadhani ay dadka madowga ah neceb tahay maadaama aysan hooyadeed markii hore ugu sheegin cidda ay tahay, taasoo wareer haybeed gelisey. ”Ma aha inay neceb tahay madowga, ee iyada ayaa is neceb.” ayay tiri Spirit.

Waxaa deeto falanqaynta Spirit loo bandhigay gabadha Treasure oo ku jawaabtay ”Anigu jiirarka wax waynba kama soo qaado, haddii aan caddaan ahaa maalintii aan dhashay, welina caddaan baan ahay, weligayna ahaan doonaa, mana jiraan wax taa bedeli kara si kastaba.”

via GIPHY

 

Gabadhan oo 16 jir ah magaceedana ku sheegtay Treasure, ayaa ka qayb gashay barnaamijka Dr Phil, waxayna si cad dadka madowga ugu tilmaamaysaa kuwo ay aad uga sarreeyso oo kasoo jeeda ”fir daanyeer.”

via GIPHY

 

“Haddii aan yaso qof Afrikaan Maraykan ah, waxay taasi i dareensiinaysaa inaan kaliya booskoodii dhigay,” ayay tiri gabadhan oo sida muuqata la besteed ah jirro maskaxeedka Uncle Ruckus Syndrome.

via GIPHY

 

Treasure hooyadeed ayaa sheegtay inay gabadheedu xitaa yaraanteedii jeclayd boombalayaasha cad cad, balse ay rajaynaysay inay kasoo rayn doonto marka ay waynaato, balse waxay ilaa maanta taagan tahay inaysan sheeganaynin dadka madoow oo ay ku tilmaantay kuwo “tuugo iyo dembiilayaal ah isla markaana halis ah.” ”Gabadhaydu waa cunsuriyad sinjigeeda neceb.” ayay tiri hooyadeed.

Halkan hoose ka DAAWO waraysiga Dr Phil…

Hadalsame Media