DAAWO: Sanad-guurada 95-aad ee dhalashada Turkiga oo Muqdisho lagu xusay + Sawirro

0

(Muqdisho) 30 Okt 2018 – Waa xafladda dabaal dega sanad guuradii 95 aad ee dhalashada Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaradda Turkiga ee Muqdisho, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ka soo qeybgalay goobta munaasabadda.

Danjiraha wakhtiga xilheyntiisa sii dhamaaneyso Turkiga u jooga Soomaliya Olgen Bakar ayaa ka qeybgaliyaasha soo dhaweeyay, waxaana uu goobta ka jeediyay fariinta Madaxweyne Erdogan ee maalinta xoriyadda, oo waxyaabaha ugu muhiimsan ka mid aheyd in Turkiga maanta magaalada Istanbul ka furey garoon diyaaaradeed kan ugu balaaran caalamka.


Danjire Olgen, ayaa macsalaameeyay shaqaalaha safaaradda, isagoo xusay in shakhsi ahaan ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka Ankara iyo Muqdisho.

Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Mxamed Guuleed, oo munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo u direy shacabka iyo dowladda Turkiga.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa ku dheeraaday taariikhda wax qabad ee Turkiga ku leeyahay Soomaaliya, isagoo tix ku cabirey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.


Afhayeenka Golaha Shacabka Mudane, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo khudbad ka jeediyay xuska dhalashada Jamhuuriyadda Turkiga ayaa hambalyo bogaadin u direy Turkiga, waxaana uu ugu mahadceliyay taageerada Turkiga uu siiyo dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Xafladda waxaa mas’uuliyiintii kale oo ka qeybgashay kamid ahaa Madaxweynihii hore Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenkii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaanno labada aqal ka tirsan, Wasiiro, Madaxweynaha Hirshabele, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Taliyeeyaal, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

 

Hadalsame Media