HUBAAL: Madaxwaynihii Leicester City oo ka mid noqday dadka ku geeriyoodey shilka…

0

(Leicester) 29 Okt 2018 – Waxaa la xaqiijiyay inuu shilkii dayuuradda helakobtarka ahayd ku dhintay madaxwaynihii Leicester City.

Taageerayaal badan ayaa durba soo dhoobtay bannaanka garoonka kooxdaas ee King Power Stadium si ay uga tacsiyeeyaan geerida Vichai Srivaddhanaprabha iyagoo ubaxyo iyo shumacyo dhigayay.

Hilinka Sky Sports ayaa xaqiijiyay in madaxwayne Vichai Srivaddhanaprabha iyo 4 qof oo kale ay ku dhinteen dayuuradda oo isla markaa ka kacday garoonka kubadda cagta ee King Power.

Hadalsame Media