Faahfaahin ku saabsan duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

0

(Muqdisho) 28 Okt 2018 – Ugu yaraan 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa baahisay in 11 dagaalame oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab xalay lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubada Hoose.

Dadka lagu dilay duqeynta waxaa ka mid ahaa Sarkaal dhawaan Al-Shabaab u soo magacaabeen gobolka Banaadir kaasoo magaciisa lagu sheegaySubeyb.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale xubno ka tirsan Al-Shabaab weerarkaasi lagu dhaawacay hase ahaatee ma jiro wax war ah oo Al-Shabaab ka soo baxay kuna aadan sheegashadaan.

Duqeynta waxaa gaystay diyaarad Drone ah oo uu Maraykanku leeyahay.

Hadalsame Media