Conte oo London u tegey inuu Chelsea ka lug boxo si uu Real u qabto (Muxuu qabanayaa macallinka Real, yaase sii layninaya?)

0

(London) 29 Okt 2018 – Antonio Conte ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan yimid magaalada London si uu u dhameeyo qaab uu uga luga boxo kooxda Chelsea si uu u qabto kooxda Real Madrid.

Sida ku qoran Tuttomercatosport, Conte ayaa caasimadda Britain u jooga ‘xallinta buruqaraadiyadda arrintiisa la xiriirta’ ee kooxda Chelsea oo uu ka doonayo lacag magdhow ah maaddaama ay iyagu eryeen.

Macallinkii Juventus iyo Italy ayaa caawa fiidkii laga sugayaa Madrid saacadda 18:00, si uu ula kulmo maamulka kooxdaasi.

Webka ayaa sheegaya in Santiago Solari, oo haatan layliya kooxda labaad ee Los Blancos’ B team, uu kooxda tababarka siinayo Talaadada berri ah, haddaan waqtiga ka hor la dhameeynin arrinta 49-jirka reer Talyaani.

Si kasta, Conte ayaa la rumaysan yahay inuu ”saacado uun u jiro” inuu noqdo macallinka cusub ee R. Madrid, waloow uu macallinka Belgium ee Roberto Martinez uu saacadihii dambe soo baxayay.

Julen Lopetegui, ayuu TMW ka qorayaa inuu barqadan macasalaamayn doono laacibiinta Madrid kahor inta aan xilka laga xayuubin.

Hadalsame Media