DAAWO: Donald Trump oo dalladiisa uga tegey meel aan ku haboonayn + Sawirro

0

(Maryland) 28 Okt 2018 – Madaxwayne Donald Trump ayaa waxaa ku qaxwaynaysa bahda baraha bulshada kaddib markii uu Sabtigii shalay ahaa ku fashilmay inuu xiro dalladdiisa, jeer uu raacayay dayuuradda Air Force One.

Hoggaamiyaha Maraykanka, 72 jir, ayaa dalladda kaga okoranayay roob ka da’yayay gegada Joint Base Andrews ee gobolka Maryland, yeelkeede, wuxuu dadkii goobta joogey iyo kuwa shaashadaha ka arkay kaga yaabiyay sida uu u dhaqmay.

Ninkan ayaa dalladda la tegey ilaa iridda dayuuradda, balse markii la sugayay inuu xiro ayuu halkeedii uga tegey isagoo gudaha iska galay, waxaana mar dambe meesha ka qaaday nin ka tirsan US Secret Service-ka.

Waxaa sidoo kale maalin dhowayd la daawaday isagoo sidan oo kale dayuurad raacaya, jeer ay lugtiisa ku dheggan tahay xaashida loo adeegsado musqulaha.

Waxaa sidoo kale mar kale la daawaday isagoo la socda xaaskiisa oo kaligii ku okoranaya dallad uu sitey waloow ay xaaskiisu roobka ku wehlinaysay.

Hadalsame Media