KABTAN SANKARA: Nin RUN ka doonayay duni been badan (Qaybtii 1-aad)

0

(Ouagadougou) 28 Okt 2018 – Hoggaamiyayaal dhowr ah oo fara ku tiris ah ayaa Afrika ka hana qaaday kaddib xornimo-beenaadkii sanka loo mariyay qaaradda madoow, waxayna ku dadaalayeen inay taa u rogaan xornimo run ah oo waarta, iyagoo dusha u ridanaya caqabadaha arrintaa la socda.

Daanta woqooyi ee xadka Ghana, waxaa ku yaalla dalka Burkina Faso, waa dal dhalashadiisa abaal wayn uga haya hoggaamiye daacad ahaa oo wax kasta ka hormarin jirey danta dalkiisa, isla markaana u dagaallami jirey midnimada qaaradda Afrika, wuxuu ahaa, Thomas Isidore Sankara.

Wuxuu ahaa hoggaamiyihii dalka Burkina Faso iyo dowladdii kacaanka ahayd ee xilka haysay min 1983 ilaa 1987. Si uu u noqdo nin u taagan dib u curasho iyo madax bannaani, wuxuu dalka oo la oran jirey “Upper Volta” uu u bixiyay “Burkina Faso”, oo micne ahaan noqonaysa “Dalka Nimanka Toosan ama taagan”.

Waraysi laga qaaday, Ernest Harsch, oo ah ninka qoray taariikhda Thomas Sankara, ayaa sawiraya muuqaal nool oo uu ku qeexayo shakhsiyaddii aan caadiga ahayn ee halyeeygan reer Afrika:

Ma ahayn nin jecel bandhigyada iyo xafladaha la socda xilalka sare. Wuxuu ahaa nin xiiseeya aragtiyaha, woxoogaa ayuu fikiri jirey kahor inta aanu kuu jawaabin. Marka uu dadka la hadlayo, wuxuu ahaa nin war yaqaan ah, aftahan yaqaanna sida dadka loola hadlo, wuxuu ahaa nin kaftanka jecel oo dadka ka qoslin yaqaanna. Wuxuu ku ciyaari jirey luuqadda Faransiiska oo uu erayo cusub oo uu dhisay kasoo saari jirey.

Burkina Faso, waxaad arki jirtey isagoo caasimadda bartameheeda baaskiil ku wata ama xitaa lugeeynaya, isla markaana aysan cidina waardiyaynayn, waxay taasi muujinaysay kalsoonida uu shacabkiisa ku qabay iyo sidoo kale sida uu u khuduuc badnaa.

Sanad kasta 15-ka Oktoobar waxay shacabka Burkina Faso xusaan waxqabadkii Sankara oo dhiiggiisa iyo dhecaankiisa u huray sidii uu dalkiisa u dhisi lahaa, isla markaana uga celin lahaa gumaysiga oo kaddib xornimadii afka ahayd ee Afrika la siiyay halkiisa kasii amba qaaday inuu dhiig miirto qaaradda madoow, kuwaasoo ay weliba ugu daran yihiin kuwii hoos tegi jirey Faransiiska oo ilaa maanta lacag baad ah dalkaa siiya.

La soco qaybta labaad….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media